Maamulka Koonfur Galbeed oo bilaabaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale ayaa  booqasho ku tagay deegaano ku yaalla xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya ee gobolka Bakool, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa qorsheynaya inay bilaabaan wajigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa kulamo lagu dar-dargelinayo howlgalka wajigiisa labaad la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaannada Yeed, Caato, Waaxaaq, iyo deegaanno kale.

Tan iyo sanadkii hore waxaa horumaro la taaban karo laga gaaray howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka. Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaano iyo magaalooyinka waaweyn ee gobolada dhexe ee Soomaaliya sida Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed