Maamulka Hirshabeelle oo Al shabaab ku eedeeyay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Shir Jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka goboleedka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa ka hadlay Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday muddooyinkii la soo dhaafay Xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxa uu tilmaamay in dagaalada soo cusboonaaday ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab.

Karoore waxa uu caddeeyey in Al-Shabaab ay gacan ka geysatay hurinta colaadaha qabaa’ilka, iyadoo ujeeddadu tahay in laga saaro cadaadiska lagu hayo.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in guuldaradii Al-Shabaab ka soo gaartay deegaanada maamulka Hirshabelle ay keentay in kooxdaasi ay ku dhaqaaqdo xeelado kala qeybsanaan ah oo ay ku doonayaan in ay ku leexiyaan dhaqaalaha  si ay uga fogaadaan saameyntooda sii yaraaneysa.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay wada shaqeyn dhexmarta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle si looga hortago qorshaha gurracan ee Al-Shabaab. “Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, labaduba si wanaagsan ayay u fahmeen. Insha’Allaah waan ka hortagi doonnaa, dhammaanteenna waan iska kaashan doonnaa,” ayuu yiri Karoore.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol. Karoore ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis nabadeed oo waara si loo yareeyo colaadaha soo noqnoqda ee gobolka aafeeyay.

Dhowr jeer dagaalo ka dhacay deegaanno ku yaal gobolka Shabeeleda Dhexe ayaa lagu eedeeyay in Al shabaab ay soo abaabuleen, waxana ka dashay khasaaro iskugu dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed