Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa digniin adag ka soo saartay carqaladaynta joogtada ah ee ku imanaysa duulimaadyada, kuwaas oo la sheegay inay soo abaabuleen maamulka Somaliland tan iyo 11-kii bishii February taasoo sameyn ku yeelatay duulimaadka caalamiga ah.
Hay’adda Duulista ayaa soo saartay walaac ku saabsan faragelinta lagu hayo duullimaadyada caalamiga ah ee mara meelo gaar ah oo ka tirsan gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Carqaladeyntan, oo loo arko in lagu xad-gudbay xeerarka duulista gudaha iyo kan caalamiga ahba, sida ay hey’addu ay sheegtay.
War qoraal ah oo laga sii daayay warbaahinta dowladda, Hay’adda Duulista waxay ku cadeysay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta badqabka iyo amniga waaxda duulista ee dalka.
Marka la eego carqaladaha joogtada ah ayaa dowladdu waxay ku eedeeysay mamaulka Somaliland, Hay’addu waxay hoosta ka xariiqday culayska ay leedahay xaaladdan, waxayna ku celisay inay ka go’an tahay inay qaaddo tallaabo adag oo lagu ilaalinayo jiritaanka hawada Soomaaliya.
HBN NEWS DESK