Labo nin oo u dhashay dalka Nigeria oo lagu xiray dalka Kenya kuwaas oo loo heysto dilal

Labo nin oo u dhashay dalka Nigeria oo magacyadooda lagu kala sheegay William Ovie Opia iyo Johnbull Asbor ayay booliiska Kenya u xireen dil iyo jir dil ay u geysteen arday.

Waxay ka soo hormuuqdeen maxkamad kuwaas oo ilaa hadda ah eedeeysanayaal, laakiin weli wax dacwad ah laguma soo oogin, lamana codsan inay qirtaan, BBC ayaa sheegtay.

Dil ka caraysiisay dad badan oo Kenyan ah,Wdaeni oo la jarjaray ayaa laga helay boorsooyin qashin ah, guri muddo gaaban ah oo kiro ah oo ku yaalla caasimadda Nairobi, 14kii Janaayo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxeeda, iyo taleefankeeda iyo agabkeeda kale la la’yahay.

Dilkan ayaa horseeday in lagu baaqo in wax badan laga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Afar qof oo Kenyan ah ayaa sidoo kale loo heystaa dilka iyo sidoo kale hal qof oo ku safrayay baasaboorka Mozambique oo la qabtay xilli uu doonayay inuu dalka ka dhoofo.

Xariga tuhmanayaashii ugu dambeeyay, Opia waxa ay haystay baasaboor Nigerian ah oo dhacay, Asbor waxa uu waayay baasaboorkiisa labo sano ka hor, sida ay booliisku sheegeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed