Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ku qabtay labadaan nin oo watay Tooreeyo iyo Mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.
War ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg ula xiriireen lambarka gaaban ee booliska ee 991, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howlgal ay fuliyeen ciidamada ka howlgala saldhigga booliska ee degmada Heliwaa.
Muddooyinkii dambe laaamaha ammaanka ee ka howlgala degmooyinka Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran ayaa gacanta ku dhigayay kooxo burcad ah oo dhac iyo dilal geysanayay.
HBN NEWS DESK