Laamaha Ammaanka Jubbaland oo qabtay Haweeney ninkeedii hore ku dishey sunta libaaxa magaalada Kismaayo

Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland oo soo qabtay haweeney lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Saygeedii hore ay ku dishay Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo.

Sahra ayaa loo heystaa in sunta libaaxa ay ugu dartay cabitaan ay u soo iibisay Marxuum Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar oo falkaasi u geeriyoodo.

Waaxda dambi baarista Booliska Jubbaland ayaa sheegay in Sahra ay gacanteeda ku dishay sida hadalka ay u dhigeen marxuumka dhintay oo ay u dhashay 6 caruur, sida uu warbaahinta u sheegay Dhame Shukri Faarax Ducaale.

Dhacadadaan ayaa hadal heyn ka dhex abuurtay dadka degan magaalada Kismaayo, iyada oo sababta keentay haweeneydaan ay disho sayigeedii hore aad baraha bulshada isula wadaagay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed