Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay murunada dhinacyada siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamullada qaar ayaa eedeymo adag u jeediyay dadka diidan in Ciidanka Xoogga Dalka laga howlgeliyo xuduudaha dalka, isagoo sheegay in qofka ka hor istaaga shaqadooda uu xiriir la leeyahay shisheeye.
Xamsa oo khudbad u jeedinayey ciidamo cusub oo tababar loogu soo xirayey taliska carbista ee Bali-doogle ayaa sheegay in il gaar ah loo yeesho dadka marmarsiiyaha u raadinaya in ciidamada xoogga aan la geyn xaduudaha dalka, taasi oo tilmaamay in ay dhaawac ku tahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya.
“Haddaad aragto qof xoogga dalka Soomaaliyeed karaahsanaya oo inuu xuduudiisa ka shaqeeyo diidaya, ogow qofkaasi shisheeeye ayuu la shaqeeyaa. Wuxuu diidan yahay astaantii ugu muhiimsanayd ee astaamaha qaranka ugu waa weyn”
Sidoo kale, wuxuu carrababay in aysan jirin meel ay Soomaali isugu tagtay oo si rasmi ah loogu diiday ciidamada qaranka inay gaaraan xuduudaha dalka.
“Xil baa idinka saaran min Lowyo Cadde ilaa Raas-Kaambooni. Dalkiina oo dhan ayuu xil idinka saaran yahay,” ayuu sii raaciyey isaga oo fariintan si gaar ah ugu diray Ciidanka.
Hadalka Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo maamullada Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo madaxda dowladd dhexe ee Soomaaliya isku khilaafsan yihiin in ciidamo ka tirsan xoogga dalka la geeyo gobollada ay maamullaan, taasi oo labada dhinacba kaga falceliyeen hab ciidan meelo la geeyey ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Tani waxay la xariirta arrimo khilaaf siyaasadeed oo dhinacyadu isku hayaan, taasi oo sabab u ah xal u helisteeda aan la gaarin ilaa hadda.
HBN Online Tv

