La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal haddii Abiy Axmed uu ku baaqo dagaal

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali  wareysi siiyay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiis sharci darro ah ee dekedda ee Somaliland. Heshiiskan is-afgaradka ah ee la saxeexday 1-dii bishan January, waxa uu dhigayaa in la dhiso deked xeebeed iyo saldhig ciidan oo laga dhiso badda Saylac, tallaabadaas oo sii kordhisay xiisadda gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodaysa in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda, iyadoo si weyn uga soo horjeeda heshiiskaas, waxayna ku nuuxnuuxsatay inay ku xadgudubtay madax-bannaanida Soomaaliya. Soomaaliya waxay ku boorinaysaa Itoobiya inay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in aqoonsiga dal cusub sida uu qabo sharciga caalamiga ahi uu u baahan yahay in la aqoonsado madaxbannaanideeda iyo sharciyaddeeda.

Marka la eego dadaallada diblumaasiyadeed, suurtagalnimada isku dhac militari ayaa soo fool leh. Xuseen Sheekh Cali ayaa yiri “Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay dib u soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Axmed uu ku baaqo dagaal.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa digniin culus ka soo saaray heshiiskaasi sharci darrada ah, isagoo carabka ku adkeeyay in dalka ay ka go’an tahay inay danahooda ku difaacdaan wax kasta oo la heli karo. Walaac caalami ah ayaa laga muujiyay heshiiska dekedda, gaar ahaan markii ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed