Kuuriyada Waqooyi oo tijaabo gantaallo ku soo dhaweysay Trump

Kuuriyada Waqooyi ayaa sakaa hawada u tuurtay gantaallo nooca ballistic ah oo gaagaaban kuwaasoo ku dhacay Badda Bari oo sidoo kale loo yaqaan Badda Japan, sida ay sheegeen ciidamada Kuuriyada Koonfureed. Talaabadan ayaa loo arkaa farriin toos ah oo loo dirayo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ka hor inta uusan xilka la wareegin.

Tijaabada gantaallada ayaa ku soo beegantay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Takeshi Iwaya, uu ku joogo Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin sare si loo xoojiyo xiriirka labada dal ka hor inta uusan Trump xilka la wareegin.

Taliska Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in gantaallada laga soo riday gobolka Gangyi ee Kuuriyada Waqooyi, isla markaana ay ku duuleen 250 km ka hor inta aysan ku dhicin badda. Ciidamada sirdoonka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa horey ula socday diyaargarowga tijaabadan, iyagoo sheegay inay ku jiraan “heegan buuxa” oo ay la wadaageen xogta Mareykanka iyo Japan.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed, Choi Sang-mook, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay jabinta qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wuxuu ballanqaaday in Seoul ay si xooggan uga jawaabi doonto falalka Kuuriyada Waqooyi iyadoo kaashaneysa Mareykanka.

Sidoo kale, weerarkan ayaa daba socday warbixin ay Kuuriyada Waqooyi ku sheegtay inay si guul leh u tijaabisay gantaal hypersonic ah. Kim Jong Un ayaa sheegay in gantaalkan uu awood u leeyahay inuu ka hortago hanjabaadaha ka imanaya gobolka Baasifiga. Gantaallada hypersonic-ka ah ayaa ah kuwo ku socda xawaare ka badan 6,000 km/saacaddii, taasoo ka macno ah in shan jeer uu ka dheereeyo xawaaraha codkiisa.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed