Kulan xasaasi ah oo looga hadlayay arrimaha ammaanka oo maanta Muqdisho ku dhexmaray Ra,iisal wasaare Xamse iyo hey’adaha ammaanka

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir-gudoomiyay kulan kan la mid ah oo looga hadlayay amniga, kaasoo looga hadlayay sidii la isugu keeni lahaa taliyeyaasha muhiimka ah ee amniga, iyadoo looga hadlay arrimaha muhiimka ah ee amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo ka hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, ayaa kulan muhiim ah kula  yeeshay magaalada Muqdisho saraakiisha ugu sareyso laamaha ammaanka, kaasoo diiradda lagu saaray “Howlgallada ka dhanka ah Al shabaab iyo xaaladda guud ee amniga Qaranka”.

Intii uu soday kulankaan  wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo jawaab-celin midaysan oo firfircooni leh oo ku aaddan caqabadaha soo baxaya dhanka ammaanka.

Dooda labada kulan ayaa si weyn loogu soo bandhigay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo si gaar ah diiradda lagu saaray ka hortagga khatarta Al-Shabaab. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in hab habaysan loo wajaho arrimaha dibadda  gaar ahaan xaaladda Itoobiya, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay dadaallo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye ku xigeenka dhanka Nabadda iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed