Kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa

Shirkaan oo ahay mid muhiim ah ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kaasoo looga hadlay arrimo khuseya ammaanka, iyo qodobo kale ayaa laga soo saaray bayaan kooban.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga  Rooble Muuse Cabdi ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amniga gudaha iyo guud ahaan amniga guud ee Somaliland.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada maamulkaas qaybohooda kala duwan, iyadoo mudadii uu socdey shirku lagu Lafa-guray muhiimadda ammaanka iyo shacab ahaanba uu u leedahay, adkaynta amniga iyo in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale waxaa shacabka Somaliland loogu baaqay in ay gacan ku siiyaan laamaha amniga adkaynta iyo xoojinta amniga,iyagoo gacan buuxda siinaya Hay’adda qaabilsan amniga kalana shaqaynaya nabadgelyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed