Kulan heerkiisu sareeyo oo lagu xoojinayo amniga caasimadda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho iyo qodobo xasaasi ah oo lagu soor kordhiyay sugidda amniga

Tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga caasimadda, ayaa shir heerkiisu sareeyo oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana loola xisaabtami lahaa laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Saraakiisha Booliska, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Isu soo baxan ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu kulan la qaatay Booliska Soomaaliyeed, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta Nabadda Caasimadda.

General Sulub Axmed Firin iyo Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay ka qeyb galayaasha kulanka ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la helo istaraatiijiyad dhameystiran oo lagula dagaalamo khataraha dhanka amaanka ah iyo sidii loo sugi lahaa amaanka shacabka Muqdisho. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kordhinta roondooyinka amniga, hagaajinta xog uruurinta iyo hagaajinta isku xirka hay’adaha amniga.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa isla gartay in la dhaqan geliyo nidaamka isla xisaabtanka, maadaama cid kasta oo mas’uul ka ah amniga magaalada ay mas’uul ka noqon doonto khalad kasta oo dhaca. Tallaabadan ayaa la filayaa inay ku dhiirigeliso shaqaalaha amniga inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Gaba gabadii kulanka ayaa dhammaan ka qeyb galayaasha kulanka waxaa lagu ballamay in ay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka magaalada Muqdisho, isla markaana ay magaaladu noqon doonto goob ammaan ah oo dadka iyo dadka soo booqda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed