Ku dhawaad 20 ruux oo ku geeriyootay deegaan ku yaal Hirshabeelle isla markaana 50 kale la dhigay goobaha caafimaadka

Ugu yaraan 18 qof oo u badan caruur ayaa u dhintay cudurka biyoodka ee ka dilaacay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Hiiraan, isla markaana tiro intaas ka badan ayaa la dhigay gooobaha caafimaadka saacadihi la soo dhaafay, waxana ka dashay walaac xooggan oo soo food saaartay guud ahaan dadka deggan deegaannadaas. Sida laga soo xigtay maamulka deegaanka, ku dhawaad ​​50 qof oo kale ayaa ka il-darran.

Wararka ayaa sheegaya in cudurkan uu ku sii fidayo tuulooyin yar yar oo ku yaal gobolka, iyadoo dadku aysan haysan goobo caafimaad oo lagu daweeyo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Cudurka shuban biyoodka ayaa bishii hore ka dilaacay magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte, kaasi oo galaaftay nolosha ku dhawaad ​​30 qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn oo ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle ee mara Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ku fatahay magaalooyin dhowr ah, islamarkaana uu ka dhashay cudurro ay ka mid yihiin Shubanka iyo Duumada.

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa sababay in dad ka badan hal milyan oo rayid ah ay ka barakacaan guryahooda tan iyo bilowgii sanadkan 2022-ka, taasi oo dhalisay dhibaato bini’aadantinimo, sida ay sheegeen hey’adaha  gargaarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed