Kooxo hubeysan oo ganacsade caan ah ku dilay Beledweyne Hiiraan

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan maanta ay ugu geysteen magaalada Beledweyne, Nin dhalinyaro ganacsade ahaa. Dilkaan oo ka dhacay gudaha dukaanka ninka la dilay ayaa ku yaala xaafadda Howl wadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Madeer Ibraahim Xasan, waxaana uu ahaa Ganacsade caan ka ahaa Magaalada. Sidda ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dilka ayaa yimid, ka dib markii uu muran soo kala dhex galay Madeer iyo dableyda hubeysan.

“Saddex nin oo hubeysan ayaa gudaha u soo galay dukaanka, waxayna ka qaateen alaab, markii uu dalbaday in la bixiyo qiimaha alaabta, way diideen, muran ka dibna, goobta dhac ayey ka geysteen waa dileen wayna baxsadeen.” Ayuu yiri qof goobjooge ah.

Ciidamada amaanka magaalada Beledweyne oo goobta gaaray wax yar ka dib markii uu dilka dhacay ayaa tlmaamay in ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhiggo rag, balse lama soo sheegin cid ay gacanta ku soo dhigeen laamaha amaanka kuwii dilka geystay yihiin.

Dadka degan Beledweyne ayaa sheegaya in mudooyinkii u dambeeyay amni daradu ay ku soo badaneysay magaalada, kuwaa salka ku haya dhac si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah.

Dilkan ayaa ku soo aadaya wax ka yar 72 saacood, markii kooxo hubeysan ay magaalada Beledweyne ay ku dileen Cabdi sahal Shuuriye oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maamulka iyo Maaliyadda ee magaalada Beledweyne, mana jirto cid ilaa hadda laamaha amnigu sheegeen in ay u soo qabteen dilkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed