Wararkii ugu dambeeye doorashooyinka Hirshabeelle & Galmudug

Waxaa subaxnimadii hore ee saaka deegaannada maamullada HirShabelle iyo Galmudug ka bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo deegaanka, iyadoo shacabka u dareereen goobaha cod-bixinta si ay u doortaan xubnaha matalayaasha uga noqon doona siyaasadda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa saaka Dhuusamareeb wuxuu si rasmi ah u furay doorashooyinka. Galmudug waxay doorashadan u tahay ku celis, halka Hirshabelle ay markii ugu horreysay ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga, doorashooyinka Hirshabelle waxay ka dhacayaan 10 degmo, halka Galmudug laga qabanayo 11 degmo, iyadoo kumannaan shaqaale ah loo diyaariyey maamulka iyo habsami-u-socodka cod-bixinta.

Sidoo kale, Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xaddiday isu socodka gaadiidka magaalooyinka labada maamul.

Beledweyne oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed ayaa saaka lagu soo rogay bandow, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha doorashada.

Galmudug waxaa la filayaa loollan siyaasadeed oo xooggan, halka Hirshabelle sidoo kale indhaha lagu hayo cidda ku guuleysanaysa.

Doorashooyinkan ayaa imanaya kaddib doorashooyin hore uga dhacay Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ka dhasheen isbeddello siyaasadeed iyo xiisado markii dambe sababay dagaallo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed