Dowladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya kala baxdo qaar ka mid ah ciidamadeeda, si ay uga qayb qaataan dagaallada ka socda waqooyiga dalkaasi, sida uu qortay shabakadda wararka ee Bloomberg.
Tallaabadan ayaa timid xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF, kaas oo saameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta.
Warbixintu waxay sheegtay in qorshaha bixitaanka uu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan, balse aan qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan.
Qorshaha ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay wajahayso cadaadis ka dhashay dagaallada cusub, iyadoo laga cabsi qabo inay dib u soo laabato colaad daba dheeraata, kadib dagaalkii Tigrayga ee lagu soo afjaray heshiis nabadeed sanadkii 2022.
Ilaa hadda lama shaacin tirada ciidamada la qorsheynayo in Soomaaliya laga saaro, waqtiga ay bixi doonaan iyo sida xilka loogu wareejin doono ciidamo kale.
Sidoo kale, labada dowladood ayaan si rasmi ah uga hadlin warbixintan, balse wuxuu warku imaanayaa iyada oo shalay kulan Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Abiy Axmed, iyada oo la tilmaamay in looga hadlay xaaladda amni iyo iskaashi ee gobolka Geeska Afrika.
HBN Online Tv

