Koox Ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Lagu Tooktay Puntland.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Maxkamadda Ciidamada Sida ee  Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Rag ka tirsanaa  Ururada Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo tira ahaan gaaraya 13 Xuku—suguyaal ah.

Falka toogashada ayaa ka kala dhacdey magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Bossaaso halkaas siyaabo kala duwan Raggaan horay loogu xukumay, Saakay ayana lagu fuliyay dil toogasho.

Si kastaba  kooxdaan ayaa waxay la shqeeyn jireen Al-Shabaab iyo daacish, kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geeystay deegaannada Puntland.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ka tirsanayaal  Al-shabaab iyo Daacish lagu tookto Puntland, tiro dhowr jeer ayey Maxkamadda Ciidamada Puntland waxay dilal kala duwan ku Fulisay Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed