In ka badan 600 oo Maxxbuuxs oo Somaliland sheegtay in xabsiyada ka dayn doonto

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan uu si guud cafis loogu fidiyay 609 maxbuus oo ku xukunnaa dambiyo fudud, kuwaas oo laga sii daynayo xabsiyada kala duwan ee Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu cafiskan ku bixiyay isaga oo gudanaya awoodaha uu Dastuurka Somaliland u siinayo, isla markaana cafiska uu quseeyo maxaabiista lagu helay dambiyada fudud ee u qalma in laga cafiyo muddada xukunkooda.

Go’aankan ayaa lagu sheegay mid qayb ka ah awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha, iyadoo la filayo in 609-ka maxbuus ay si rasmi ah uga baxaan xabsiyada, kadib marka la dhammeystiro habraacyada sharci iyo maamul ee la xiriira sii deyntooda.

Madaxtooyada ayaa aan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin shuruudaha lagu xulay maxaabiista la cafiyay iyo xilliga saxda ah ee la dhammeystirayo sii deyntooda.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed