MUQDISHO: DFS iyo Mucaaradka oo maanta u ku yeelanaya wadahadallo si weyn isha loogu hayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka dalka qaar kamid ah ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uga furmaya wajiga 1-aad ee wadahadallo lagu doonayo sida la sheegay in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Wadahadalladan oo albaabbadu u xiran yihiin ayaa waxaa dhexdhexaadinaya wakiillo ka socda dowladda Turkiga, halka diblomaasiyiin ka socda dalalka reer Galbeedka ay si dhow ula socdaan, iyagoo rajeynaya in dhinacyadu gaaraan is-afgarad kadib bilooyin ay taagneyd ismari-waa siyaasadeed.

Wararka laga helayo kulankan oo ka socda Xarunta Xalane ayaa sheegaya in labada dhinac ay saacadihii la soo dhaafay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay ku diyaarsanayeen ajendayaasha iyo qodobada ay miiska wadaxaajoodka la tagayaan.

Madasha mucaaradka ayaa la filayaa inay soo bandhigto aragtideeda ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta xilligan, iyadoo horay uga biyo diidday qorshaha doorashada dadweynaha ee ay dowladda waddo. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in mucaaradku wax ka beddelay qaar ka mid ah mowqifyadoodii hore, isla markaana ay soo dedejiyeen qorshe ay ku arkaan in doorasho looga qaban karo dalka.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Turkiga ee dhexdhexaadinaya wadaxaajoodkan  ayaa isu diyaariyey inay hoggaamiyaan wadahadalladaan la filayo inay gacan ka geystaan isku soo dhawaanshaha aragtiyaha labada dhinac ee ku kala aragti duwan hannaanka doorashooyinka.

Waxaa la filayaa in natiijada kulamadan ay door weyn ka qaadato jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka soo socda.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed