Soomaaliya oo amni ahaan kaga hortimid qorshe Shirkadda Meta soo kordhisay oo qof walba saameyn doona

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa hor timid Barnaamijka cusub ee Shirkadda Meta ay ku soo kordhisay adeegsiga WhatsApp sababo amni darteed, taasi oo ah in nambarka qofka adeegsanaya aaladdaas la qarin doonno isaga oo keliya magaciisa uu muuqanayo.

Kadib Hindiya, Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 2-aad ee xigsaday, walaac weyn ka muujiya qorshaha shirkadda Meta ee ku saabsan soo bandhigista astaanta cusub ee isticmaal shaqsi Barnaamijkiisa WhatsApp, iyadoo sheegtay inay arrintan khatar ku noqon karto amniga dalka oo muddo ka badan 20 sano la daalaa dhacayay kooxaha Alshabaab.

WhatsApp ayaa Bishan Juun bilowday inay u oggolaato isticmaaleyaasha inay sii qabsadaan magacyo gaar ah (usernames), kuwaas oo la filayo in si rasmi ah loo hawlgeliyo dabayaaqada sanadkan 2026.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Meta ee lagu doonayo in ka badan 3 bilyan oo isticmaale ay iskula xiriiri karaan iyagoo aan is dhaafsan lambarrada taleefannadooda. Tani marka la joogo dal kooxo hubeysan lala dagaallamayo waa dhibaayo, maadama ay saamixi karto in ay adeegsadaan magacyo been abuur ah oo sababi kara Handadaad, baad qaadasho, iyo in lagu fuliyo howlgalo ka dhan ah amniga dalka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed (NCA), Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in beddelka lambarrada taleefannada lagu beddelayo usernames uu adkeyn karo awoodda hay’adaha ammaanka Soomaaliya u leeyihiin inay aqoonsadaan dadka ku lug leh argagixisada, dambiyada abaabulan iyo falalka kale ee sharci-darrada ah.

“Soomaaliya waxay raacaysaa tallaabada Hindiya, Waxyaabaha aan ka walaacsannahay waxaa ka mid ah suurtagalnimada in ay kordhaan dadka iska dhigaya hay’adaha dowladda iyo masuuliyiinta, khiyaanada lagu beegsanayo nidaamka lacagaha danabaysan ee Soomaaliya, iyo in isgaarsiinta qarsoon ay si khaldan uga faa’iidaystaan ururrada argagixisada sida Al-Shabaab iyo shabakadaha dambiyada internetka.” ” ayuu yiri Mustafa Yaasiin Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2006 dagaal kula jirtay kooxda Alshabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Colaaddaasi waxay sababtay dhimashada kumannaan qof, barakaca malaayiin kale, sidoo kalena waxay ku khasabtay dowladda inay khayraad badan ku bixiso amniga halkii ay horumarinta dalka ku maalgelin lahayd.

Toddobaadkii hore, dowladda Hindiya ayaa Meta ka codsatay inay dib u dhigto hirgelinta astaantan cusub, iyadoo ka cabsi qabta inay sare u qaaddo khiyaanada iyo musuqmaasuqa internetka. Hindiya ayaa ah suuqa ugu weyn ee WhatsApp, iyadoo leh in ka badan 600 milyan oo isticmaale.

Dhanka kale, shirkadda Meta ayaan weli ka jawaabin codsi (email) oo looga dalbaday inay faallo ka bixiso walaacyada ay Soomaaliya ka muujisay qorshaha cusub ee Username-ka WhatsApp.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed