Maamulka Waqooyi Bari oo ka hadlay dhacdadii Somaliland kaga raaftay Laasacaanood dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa isaga oo maanta ka hadlayey munaasabadda caleema saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu raalli-gelin u dirayo shacabka gobolka, kaddib masaafurintii 2021 ay Somaliland kaga soo saartay magaalada Laascaanood.

Waxa uu dhacdadaasi ku tilmaamay mid xanuun badan, isaga oo ugu baaqay dadkii ay saameysay inay dib ugu soo laabtaan deegaankoodii iyo guryahoodii intii ka hartay.

“Waxaa jirta dhacdo xanuun badan oo shacabka Koonfur Galbeed ka soo gaartay Caasimadda Waqooyi ee Laasacaanood, arrinkaa isaga ah ka hadalkiisa waxaan uga danleeyahay in aan dadkaas ugu baaqo in kow ay ku soo noqdaan wixii ka harsani deegaankoodii iyo magaaladii laga soo masaafuriyey” ayuu yiri Firdhiye.

Sidoo kale, Firdhiye ayaa sheegay in aan shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya lagu eedeyn karin wixii dhacay horaantii Octobar 2021 ee caasimadooda ka dhacaday, isagoo ku dooday in cidda ka dambeysay ay ahayd Somaliland. Wuxuu carrabaabay  in muddo 8 bilood ah waa sida uuu hadalka u dhigaye ay duqeyn ku haysay magaalada Laascaanood Xukuumaddii hore ee Somaliland.

“Reer Waqooyi Bari ciddii dhibkaan gaysatay ma ahayn. Ciddii dhibkaa reer Waqooyi Bari u gaysatay (Somaliland) waa ciddii 8 bilood oo xiriir ah duqeynaysay magaalada Laasacaanood, marka ciddaasi idinkana waa idin masaafurisay, anagane waa na laysay, marka labadeenu waxaan nahay dhibanayaal, intaa ku tala gala,” ayuu yiri Firdhiye.

Xukuumadda xiligaas jirtay  Somaliland ayaa xili saqdhexe ah waxay magaalada Laasacaanood kasoo masaafurisay dad gaarayey ku dhawad 700 oo ruux oo isugu jira haween, odayaal, dhalinyaro iyo caruur ay ku eedeysay falalka amaan darro iyo dilalka qorsheysan oo ka dhacaayay magaalada, waxaana uu ku soo daabulayo gaadiid nooca xamuulka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed