Khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dashay ruux isku qarxiyay magaalada Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah ayaa  ka dhacay Maqaayad mashquul badan oo ku taalla agagaarka Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo Ciidamada Booliska.

Qof isku soo xiray waxlaxaha qarxa ayaa isku qarxiyay  afaafka hore ee maqaayada Alhindi oo ku taal degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo galaaftay nolosha saddex ruux, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah ee ka soo baxaya ciidamada Booliska ninka dilka geystay ayaa ahaa nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo ciidamada ay ku baacsanayeen agagaarka maqaayadda. Kaasoo doonayay in uu ka baxsado in gacanta a ku dhigeen ciidamada ammaanka, kaddibna halkaas uu isku qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa geeriyootay, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo goobta ku sugnaa. Dadka dhaawacmay ayaa isla markiiba loo daad gureeyay goobaha caafimaadka. Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdadan naxdinta leh, iyagoona sugay goobta uu dilku ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaano xooggan.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in ruuxa watay jaakad ay ku xirnaayeen waxlxaha qarxa, xilli uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada ammaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed