Kenya oo xaqiijisay dhimashadii ugu horreysay ee cudurka Ebola & dad la karantiilay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay dhimashadii ugu horreysay ee cudurka Ebola ee dalkaas, iyadoo Arbacadii shalay magaalada Nairobi lagu aasay nin Kenyan ah oo noqday bukaankii ugu horreeyay ee laga xaqiijiyo cudurka, isla markaana u geeriyooday.

Qofka geeriyooday ayaa lagu aasay qabuuraha Lang’ata, oo qiyaastii 7km koonfur-galbeed kaga beegan bartamaha Nairobi, iyadoo la raacayay habraacyo caafimaad oo adag oo looga hortagayo faafitaanka fayraska.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay inuusan dalka hadda ka jirin faafitaan Ebola, isagoo caddeeyay in kiiska keliya ee la xaqiijiyay uu ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Ducaale ayaa sheegay in tirada dadka la ogaaday inay xiriir la sameeyeen bukaanka ay ka korortay 55 qof, gaartayna 57 qof, kuwaas oo 10 ka mid ah lagu karantiilay xarun caafimaad.

Wuxuu sheegay in dadkaas maalin kasta lagula socdo calaamadaha cudurka, iyagoo ku sugan Isbitaalka Adeegga Booliska Qaranka ee Nairobi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadaallada lagu raadinayo dadka kale ee xiriirka la sameeyay bukaanka la xoojiyay, iyadoo ku dhowaad 17 qof la helay, lana ogaaday goobaha ay ku sugan yihiin.

Hay’adaha caafimaadka Kenya ayaa sii wada howlgallada lagu raadinayo dadka haray iyo la socodka xaaladdooda caafimaad, si looga hortago suurtagalnimada faafitaanka cudurka Ebola ee dalka.

Kenya oo ay ku nool dad badan oo Soomaaliyeed ayaa wajahaya cabsi weyn, iyada oo xaaaladdan ay saameyn ku yeellan karto nolosha tobanaan kun oo qof oo Soomaali ku dhaqan dalka.

Dhanka kale, dalalka xaduudka la leh Kenya ayaa bilaabay qorshe iyo habab cusub oo lagu sugayo baaritaanka xaaladaha caafimaad ee dadka ka imaanaya Kenya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed