Jubaland oo soo bandhigtay ciidamo loo diyaariyay in la wareegaan saldhigyada ay banneynayaan Howgalka ATMIS

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada madhammaato isagoo halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo kamid ah Ciidamada Darawiishta Jubaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay.

Ciidamadaan la soo bandhigay ayaa loo diyaariyay in ay al wareegaan saldhigyada ay ka bixi doonaan howlgalka ATMIS ee lagu wada in ay dalka ka naxaan dhammaadka sanadkaan 2024, sida uu qorshuhu, kuwaas oo is tartiib tartiib ah looga saarayo guud ahaan Soomaali9ya.

Saraakiisha xerada ayaa Madaxweyne ku xigeenka Jubaland si faah faahsan uga warbixiyey xaruntii oo horay u joogi jireen ciidamo  ATMIS-ta Itoobiya.

Munaasabadda  ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabad sugida oo ay ka mid ahaayeen Gen. Maxamed Maxamuud Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo Gen Yuusuf Dhuumaal oo ah wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Saldhigan oo ay sanado badan ku sugnaayeen ciidamada ATMIS-ta Itoobiya ayaa waxaa lagu wareejiyay taliyaha qeybta lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto, kadib munaasabad ka dhacday xeradaasi.

Dhimista ciidamada ATMIS waxay ka dhigan tahay dadaal wadajir ah oo lagu doonayo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo millatariga Soomaaliya loona yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed