Ciidanka Nabad sugida Jubbaland iyo kuwa ATMIS ee fadhigoodu yahay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa hawlgal qorshaysan kasameeyay tuulada Dhagaxa oo hoostagta degmada Dhoobley, halkaas oo ay ka fuliyeen howgallo culus oo ka dhan ah Al shabaab
Hawlgalkan oo ahaa mid todobaadkanba socday ayaa ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland oo kaashanaya cidamada ATMIS ayaa ahaa mid lagu baacsanayey xubnoa ka tirsanaa kooxda Al shabaab kuwaas ku dhumaaleysanayey tuuloyin hoostaga degmada Dhoobley.
Ciidamada dowladda kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay laba jibaaray howlgallada ka dhanka ah Al shabaab, kuwaaas oo sheegaya in ay xoogga saarayaan sidii kooxda looga saaray guud ahaan dalka, Jubaland waa maamul goboleedka deegaannada ugu badan ay ka heystaan maleeshiyaadka Al shabaab.
HBN NEWS DESK