Jamhuuriyadda Jabuuti oo ciidamo dheeraad u soo dirtay Soomaaliya isla markaana faah faahin laga bixiyay

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ciidamo dheeraad ah u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo xoojinaya ciidamada Dowladda Federaalka. Ujeedada ugu weyn ee ciidamadan loo soo daabulay ayaa ah in sare loo qaado tallaabooyinka amniga, si ay uga qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga Jabuuti iyo Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Jabuuti ayaa xaqiijiyay in ciidamadan cusub ay ugu talagaleen in ay “ka taageeraan ciidamada Soomaaliya wajiyada xiga ee howlgallada militari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab”.

General Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo la hadlay Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay ilaalinta hab-dhaqanka ku dayashada leh inta ay ku guda jiraan shaqadooda.

General Sakariye ayaa ku nuux nuuxsaday caqabadaha isku xiran ee soo wajahay labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah, isagoo caddeeyay in ammaanka Soomaaliya uu la mid yahay kan Jabuuti. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay si shuruud la’aan ah u taageerto Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay u wada shaqeyn karaan.

Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka socda gobolka Hiiraan. Mudooyinkii dambe waxa ay si weyn uga qeyb qaadanayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada ay maamusho Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed