Itoobiya oo codsatay kulan ay yeeshaan dalalka IGAD oo looga hadlayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dawladda Itoobiya ayaa codsatay qabashada fadhi aan caadi aheyn oo ay yeesheen Madaxda IGAD, kaas looga wada hadlayo arrimaha Soomaaliya & Itoobiya u dhaxeeya, taas oo la ogaysiiyey Madaxda Urur Gobaleedka IGAD.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay wadahadaladaan la kaashaneyso, Midowga Afrika, Jabuuti iyo IGAD, ayaa dooneysa in ay kulan xasaasi ah uu dhexmaro dhinacyada, gaar ahaan Muqdisho iyo Adis Ababa, waayna dooneysaa in si wanaagsan looga hadlo hishiiskii horraantii bishaan ay kala saxiixdeen Biixi iyo Abiy Axmed, isla markaana ay Soomaaliya diiiday.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay horay u diiday in Itoobiya ay wadahadal la yeelato ilaa baab’iso hishiiskii dhaliyay khilaafka, haddana dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayey ka codstay in ay ka shaqeeyaan si loo bilaabi laha wadahadalada.
Itoobiya ayaa qaadacday oo diiday shirkii Uganda ka dhacay 18-kii bishan oo ay dalbatay Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan qoraalada ee loo diray dalalka Jabuuti iyo Kenya Nairobi iyo Jabuuti wax dhib ah u arag ay dhexgalaan labadsa dal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed