Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in isbeddel uu ku yimid qorshihii Mareykanku uu ku doonayay in uu ciidankiisa kala baxo dalka Ciraaq.
Wargeyska oo soo xigtay mas’uul Ciraaqi ah oo sheegaya in uu filayo in Ciraaq ay codsato in la kordhiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka, maadaama ay jiraan isbeddelo cusub oo ka dhacay gobolka kaddib ridistii nidaamka Bashar Al Asad ee Suuriya.
Mas’uulka Ciraaqiga ah ayaa ka hadlay isbeddel ku yimid aragtida saraakiisha Ciraaq ee ku aaddan suurtagalnimada bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Ciraaq in dib loo dhigo ka dib dhacdooyinkii dhowaan dhacay.
Waxa uu saadaaliyey in Baqdaad ay dalban doonto kordhinta muddada joogitaanka ciidamada Maraykanka marka la gaaro taariikhda heshiis ahaan loogu talogalay bixitaankooda oo ah sanadka soo socda.
Horraantii sanadkan, Baqdaad iyo Washington waxay gaareen heshiis ku saabsan in ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Maraykanku ay ka baxaan Ciraaq marka la gaaro bisha Sebtember 2025.
Wargeysku wuxuu xusay in kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Maxamed Shia al-Sudani, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, 13-kii Diseembar, lamana oga in arrimahan looga hadlay kulankaasi iyo in kale.
Wargeysku waxa uu soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo sheegay in al-Sudani uu muujiyey aragti togan oo ku aaddan joogitaanka Maraykanka ee dalkiisa, gaar ahaan marka la eego kacdoonkii xukunka lagaga tuuray nidaamka madaxweynihii Suuriya, Bashar al-Assad, inkastoo uusan gudbin codsi rasmi ah oo lagu kordhinayo joogitaanka ciidamada Maraykanka.
Sida laga soo xigtay isla ilahaas, mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa u muuqday kuwo si aan caadi ahayn u soo dhaweynaya codsiga Maraykanka ee ah in qalabka sirdoonka la geeyo meel u dhow xuduudda Ciraaq iyo Suuriya.
Hadda, Maraykanka waxa Ciraaq ka jooga 2,500 oo askari, waxaana sanadkan sii kordhay cadaadiska saaran dowladda Ciraaq si ay u soo gebagabayso joogitaanka ciidamada Maraykanka.
HBN Online TV