Dood adag oo ka dhacday golaha Shacabka, xili Khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Jubbaland iyo dowladda dhexe

Mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaanno ka katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin ay ku qabaan dhinaca safarka si gaar ah Jubbaland, iyaga oo ka dalbaday guddoonka golaha in ay uga baahan yihiin inuu kaga jawaabo.

Xildhibaannadan oo jeediyey khubaddo u muuqday kuwa ay guddoonka ku cadaadinayaan waxa uu ka yeelayo sida warka ay u dhigeen dhibaatooyinka ka jira deegaannada Jubbaland ayaa tilmaamay inay caddeymo ay u hayaan, maadaama marka ay buuq sameeyaan xildhibaannadu la ganaaxo.

Sidoo kae, Xidhibaannadan qaarkood oo hadalo kulkul ka hor jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dalbaday in isla xisaabtan la helo si loo qaato mas’uuliyadda sida uu hadalka u dhigay Xildhibaannadii la xayiray.

Mudanayaasha Mooshinka gudbiyay ayaa dalbaday in loo yeero Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee shaqada ku leh Ciidamada ay ka cabanayaan ee safarkooda sida warka ay u dhigeen caqabadda ku noqday.

Dhanka kale, Mooshin loo gudbiyey guddoonka golaha Aqalka Sare ayaa Senataradii waday waxay sheegeen inuu diiday codsigooda guddoomiyaha golaha, kaasi oo ahaa inay xuquuq ugu raadiyaan Senator Ilyaas Badel Gaboose oo ku xayiran magaalada Kismaayo.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda dhexe & maamulka Jubbaland oo gaaray heerkii ugu adkaa ayaa saameyn ku yeeshay qeyb kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta, inkasta oo dhinacyadu eedeymo ay hawada isu mariyeen ay uu mid walba iska bari yeelay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed