Duqeymo xooggan oo lala eegtay saacadihii ugu dambeeyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Wasiir Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay duqeymo ciidamada cirka Soomaaliya ay ku fuliyeen deegaanno ay ku sugnaayeen xubno Alshabaab ayaa sheegay in, in ka badan 150 lagu dilay howlgalkan oo socday 48-dii saac ee lasoo dhaafay. Waxaa howlgalka la socday mid kale oo sida hadalka u dhigay dhulka ahaa.
Goobaha duqeymaha ayaa laga fuliyey deegaannada kala ah Ceel-Bacad, Ceel Cali Axmed, Laba-Garas, aagga Jambaluul oo Shabeellaha hoose ah iyo Damasha Shabeellow oo Jiinka wabiga ah.
Duqeymo qaarkooda ayaa maanta lagu garaacay degaanka Laba-garas oo ku yaalla bannaanka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada dhexe. Saraakiil iyo maleeshiyaad taabacsan Al shabaab ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay oo ahayd Kaymo adag oo ay gabaad ka dhiganayeen.
Sidoo kael, Wasiirka Difaaca oo dadka Shacabka ah uga digay goobaha kooxdu ay ku sugan tahay ayaa u jeediyey inay fogaadaan, maadama la beegsanayo.
”Duqeymo tiro beel ah oo lagu naafeeyey Khawaarijta ayaan 48-dii saac ee la soo dhaafay ka fulinay goobo cadowgu ku dhuumaaleysanayay, in ka badan 150 Khawaarij ayaa ku naf waayay howlgalka, mar kale Shacabka waan u digeynaa haka fogaadaan goobaha cadowgu joogo, waa la beegsanaa”. ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir.
Dhanka kale, waxaa howlgallo kala duwan weli ay ka socdaan gobolka Shabeellaha dhexe, ka dib makrii ciidamada dowladda ay horaantii todobaadkaan lagu daabulay deegaannada lagala wareegay Alshabaab, waxaana ilo maxali ah ay warbaahinta u sheegeen in Ciidamadan kaalin wax ka bedeleen istiraatiijiyadda xeellada dagaal ee socda.
HBN ONLINE TV