Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay weerar looga dilay saraakiil oo ka dhacay Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa war ka soo saartay dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday xero ciidan oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. War saxaafadeedka, Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay “falka argagaxisada ee foosha xun”, waxayna xaqiijisay inay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya kala shaqeyso baaritaanka shilkaas.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in saddex sargaal oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta oo uu wehliyo sarkaal u dhashay dalka Baxreyn ay naftooda ku waayeen weerarka. Intaa waxaa dheer, laba qof oo kale ayaa soo gaaray dhaawacyo intii uu socday weerarka, kaasoo ay Wasaaraddu si cad ugu tilmaantay inuu yahay “fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya.

Iyada oo ay jirto naxdinta iyo murugada ka dib khasaarihii saraakiisha, Imaaraadku wuxuu ku celceliyay sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan wax ka qabashada caqabadaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

War saxaafadeedka ayaa lagu nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay sii wadida isku xirka iyo wadashaqeynta Imaaraadka iyo maamulada Soomaaliya si cadaalada loo horkeeno kuwii ka dambeeyay rabshadahan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed