Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo xiisad taagan

Ciidamo gadoodsan oo ka careysan mushaar la’aan ayaa la wareegay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Rabshadaha ayaa dhacay , iyadoo ciidamada gadoodsan ay xireen waddooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacyo.

Goob joogayaal ayaa soo sheegay in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaaladaas, iyadoo gaadiid kala duwan ay hadda ku xaniban yihiin dhanka waqooyi ee magaalada. Ciidamada gadoodsan ee ka gadooday maamulka Puntland ayaa dalbanaya mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen iyo xuquuq dheeri ah oo ay sheegeen in la dayacay, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa ku adkeysanaya in inta cabashadooda wax laga qabanayo ay sii wadi doonaan gacan ku heynta deegaanada Waqooyi, islamarkaana ay sii wadi doonaan carqaladeynta dhaq dhaqaaqyada caadiga ah oo ay ku jiraan isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dalabka mushaar la’aanta iyo xuquuq la’aanta ay sheeganayaan ciidamadu ayaa muujineysa xiisadda salka ku haysa xiriirka xukuumadda  Puntland iyo ciidamada maamulkaas.

Puntland ayaa hadda ku guda jirta sidii ay wax uga qaban lahayd tabashooyinka ay qabaan ciidamada gadoodsan, si loo gaaro go’aan lagu qaboojinayo xiisadda, isla markaana la furo waddooyinka muhiimka ah ee isu socodka gaadiidka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed