Howlgallo Wadajir ah oo ay Fuliyeen Ciidanka Dowladda iyo Kuwa ATMIS ee Sh Dhexe

Ciidanka dolwadda Soomaaliya iyo Howgalka ATMMIS gaar ahaan kuw Burundi ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay gobolka Shabeelada dhexe kadib markii laga war helay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen Al shabaab, taas oo keentay in Ciimada isku dhafka ah ee Soomaaliya iyo Burundi ayaa bilaan howlagl looga hortagaayo weeraro laga cabso qabo in ay ka yimadaan dhicana Ururka Al Shabaab.

Howgalladaan ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Balcad gobolka shabeelada dhexe maamul goboleed Hirshabeelle, waxana ciidanku ay cagti mariyeen deegaano dhowr iyaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan qorshahaan looga hortagaayo in Shabaab ay fuliyaan weeraro gaadmo ah gooblka.

Saraakiil ka tirsan ATMIS ayaa laga soo xigtay in ay ka war heleen qorsha Al shabab ay ku doonayeen in ay weerar ku soo qaadaan Taliska Ciimada kala duwan ee ku sugan gobolka Shabeeleda dhexe, halkaas oo dhowr jeer qaraxyo lagu eeg taay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed