Horjeege ka tirsan kooxda Al shabaab oo lagu qabtay gobolka Galgaduud isla markaana la soo bandhigay

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Mowliid Cali Dhuxulow oo horjooge u ahaa kooxdan lagu soo qabtay inta u dhaxeysa deegaanada Masagawaa iyo Waniinle ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in Dhuxulow uu si qarsoodi ah u galay deegaanka Waniinle, isaga oo gabaad doon ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda Federaalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa si deg deg ah ugu howlgalay sirdoon si ay gacanta ugu soo dhigaan. Dhuxulow ayaa la sheegay in uu hogaaminayay koox ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay ku dhuuntaan dhulka howdka ah.

War ka soo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay in Mowliid Dhuxulow uu qirtay in uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab uuna ka howlgali jiray gobolka Galgaduud.

Arrintaan aaa ku soo aadeysa, iyadoo howlgalo culus ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobalada Galgaduud iyo Mudug, halkaasi oo muddo sanad ka badan ay ciidamada dowladda dagaal adag kula jireen maleeshiyada Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa horseeday xoreynta dhul muhiim ah oo ay horay kooxdaasi u haysteen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed