Hoggaamiyaha Awdal State iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo yeeshay kulan xasaasi ah

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in la shaqeeyo saacado badan oo ay ku jiraan habeenada shaqada, si loo helo meel wanaagsan oo lagu qabto dooda, kuwaas oo soo bandhigay fursado kale oo xildhibaannadu ku shaqeyn karaan.

Dhankale xildhibaannada qaar ayaa diidan wax ka beddelka arrimaha dastuurka Soomaaliya, kuwaas ku doodaya in aanan loo dhammeyn. Madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa diidan hannaankan dowladdu wax kaga beddeleyso dastuurka.

Kulan dhex maray dowladda federalka iyo iyo hoggaanka Awdal State oo ay ku jiraan xildhibaano, waxyaabihii looga hadlay kasoo ka dashay hishiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Wasiirka wasaaradda Arrimah Gudaha iyo dib u heshiisiintaa Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macallin Fiqi ayaa qaabilay hoggaanka Dhaqdhaqaaqa Awdal State Cali Baxar, wafti la socday iyo xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ka tirsan oo ku matala gobolka Awdal, kulankaas oo ahay mid culus ayaa looga hadlay arrimo kala duwan

Xildhibaannada Awdal ee labada aqal ee baarlamaanka JFS iyo Hogaanka Awdal ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda Soomaaliya mawqifka ay ka istaagtay difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, iyo diidmada heshiiskii maamulka Somaliland uu lagay Itoobiya.

Sigaar ah waxa ay masuuliyiinta reer Awdal uga mahadceliyeen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta doorka uu ka qaatay qaddiyada difaaca dhulka, badda iyo gobonnimada dalka.

Waftiga iyo wasiirka ayaa ka wadahadlay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa damaca Itoobiya ee dhulballaadhsiga iyo cid kasta oo kale oo ku soo xadgudubta qarannimada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed