Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland war ka soo saartay tirada kiisas kufsiga 6 toddobaad ee la soo dhaafay kana hadashay gabar yar ee loo geystay kufis wadareed

Hey’adda difaaca Xuquuqda Aadanaha ee maamulka Puntland ayaa war cusub ka soo saaray kufsi foolxun oo gabar 13 jir ah loogu geystay magaalada Garowe ee caaasimadda maamulkaas, gabadhaan ayaa ku sugneed kaam dad barakacayaal ah ay daggan yihiin, waxan loo geystay kufsi wadareed dhaliyay hadal heyn culus.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in laba nin oo hubaysan kuna lebbisan dirayska ciidanka ay kufsiga u geysteen gabadha yar., isla markaana waxay intas raaciyeen in lixdii todobaad ee la soo dhaafay ay kordheen falalka kufsiga iyo dilalka ah oo ay geysanayaan rag ku lebbisan dharka ciidan.

Hey’adda ayaa shaacisay in gobolka Nugaal oo keliya, lixdii todobaad ee la soo dhaafay ay ka dhaceen lix kufsi iyo sagaal dil oo ay geysteen rag ku lebbisan dharka ciidamada sida lagu sheegay warbixinta Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland.

Dhinaca kale Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamida eedaysanayaal fal kufsiya ugaystay dhibanad Yasmiin Mowliid cali 13 sano jir ah  Falkaas oo kadhacay kaamka jiingadda ee magalada Garoowe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed