Hey’adaha ammaankaa gobolka Bari ee Puntland oo ku dhawaaqay howlgallo xooggan soona saaray digniin culus

Hey’adaha ammaankaa ee maamulka  Puntland ayaa ku dhawaaqday hawlgal ciidan gudaha  Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkas, kaasoo looga nadiifinayo  wax ay ku sheegeen  “canaasiirta argagixisada ah ee khalkhal gelinta ku haya falalka amniga lidka ku ah ee magaalada.

Guddiga horumarinta amniga gobolka Bari oo shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Boosaaso ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo amniga kaddib falal amni-darro oo muddooyinkii danbe ka dhacayay Boosaaso iyo deegaannada ku xireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga amniga iyo saraakiisha Booliska gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanayo xaaladda amni ee Boosaaso waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlgalka fulinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada islamarkaana aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah ee ku sugan gobolka, kuwaas oo loo diray fariin adag.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii todobaadkan falal amni-darro laga soo sheegay Boosaaso gaar ahaanna xarumaha ganacsiga qaarkood oo lagu weeraray Bambaanooyin laga tuuro gacmaha ee qorshyesan kuwaas oo hey’aduhu ku sheegeen in ay ka dambeyaan  kooxaha argagixisada ah, sida ay hadalka u dhigeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed