Hey’adaha ammaanka Puntland oo dagaal culus ku qaaday ka hortagga muqaadaraadka iyo waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Maandooriyaha iyo falalka kale ee sharci darrada ah ee ka socda gobollada Mudug, Bari iyo Nugaal si bulshada looga ilaaliyo dhibaatooyinka xun ee ay ka dhaxli karaan Maandooriyaha, oo la sheegay in muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Puntland ayaa sheegay in si weyn hoos loogu dhigay isticmaalka iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya iyo waxyaabaha la xiriira, balse loo baahan yahay in gabi ahaanba meesha laga saaro.

Howlgallo xiriir ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland ayaa lagu soo qab qabtay dad badan oo ku howlanaa howlo la xiriira waxyaabaha maanka dooriya, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa kordhiyay kontoroolka gaadiidka iyo dadka la socda si loo xoojiyo howlgallada, kuwaas oo lagu sameynayo baaritaano dheeraad ah.

Dhowr jeer ayey ciidamadu horay usoo bandhigeen waxyaabaha maanka dooriya magaalooyin ku yaal maamulkaas, isla markaasna ku gubay goob fagaaro ah, waxayna digniin u jeediyay dadka ka ganacsada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed