Hey’adaha ammaanka oo maanta wareejiyay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeeysan dilka xaaskiisii

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), ayaa maanta ku wareejisay Ciidanka Booliska, Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo 5-tii February, 2024, lagu soo eedeeyay inuu dilay xaaskiisa.

Sayid Cali oo gacanta bidix uu ka gubtay, ayaa waxaa goob gaar ah ku hayay ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, si loogu dabiibo, waxaana ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay Ciidamada Booliska, si cadaaladda loo horgeeyo.

Sayid Cali ayaa la sheegay in todobaad ka hor uu xaaskiisa dab qabadsiiyay, taasoo keentay caro dadweyne. Luul Ca/casiis oo aheyd hooyo haysata lix caruur ah ayaa u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray. Dhimashadeeda ayaa dhalisay baaqyo ku aadan in eedeeysanaha  la horkeeno sharciga.

Qoyska Luul ayaa shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in cadaaladda la marsiiyo ninkii dilay maadaama aan weli la aasin marxuumada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed