Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo shaacisay inay dileen 7 xubin oo ka tirsan Al shabaab isla markaana ay dhaawaceen kuwa kale

War ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 7 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay kadib howlgal ciidamada NISA iyo kuwa Nabadsugida ay ka sameeyeen deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Hay’adda Nabad Suggida ayaa intaas raacisay in howlgalladan nuucaan ah ay sii wadi doonaan.

Howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa kooxdaasi looga saaray deegaano badan oo ku yaala bartamaha dalka, iyadoo dib u soo celinta awooddii dowladda ay ku lahayd gobolada ay Al-Shabaab ka talinayeen dhowr iyo toban sano iyo dheeraad.

Al shabaab ayaa cadaadis kala kulmaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, taniyo markii uu xafiiska madaxweyne Xasan sheekh kaasoo ku dhawaaqay dagaal ka dhanka ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed