Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo hawada ka saartay ku dhawaad 15 kamid ah Website-yada ururka Al shabaab soona bandhigtay

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA),  ayaa hawada ka saartay 14 ka mid ah mareegaha wararka ee Al shabaab, oo ay ku eedeysay inay faafiyeen afkaarta iyo wararka Ururka Al Shabaab. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa labo maalmood kadib markii NISA ay markii ugu horeysay ku guuleysatay inay xirto 20 kamid ah kooxaha WhatsApp-ka oo ay ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab inay lacago baad ah iyo cabsi gelin ka qaadan jireen.

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u xayirtay baraha Internet-ka ee Al-shabaab ay ku leedahay dalka, ayaa haddana tallaabadan ay dhawaanahan keentay in gabi ahaanba la xiro.

Mareegaha la xayiray ayaa ka mid ahaa baraha ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda.

NISA ayaa tiri “Howlgalkan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, aqoonsiga milkiilayaasha diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaanka, waxa uu socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, taasoo keentay in meesha laga saaro mareegahan la diiwaan galiyay dhowr sano ka hor

Liiska mareegaha hawada laga saaray:

1 – www.radioalfurqaan.com
2 – www.somalimemo.com
3 – www.amiirnur.com
4 – www.calmada.com
5 – www.shahaadanews.com
6 – www.somalimemo.info
7 – www.dhaxalgal.net
8 – www.dhaxalgal.com
9 – www.radioalfurqaan.net
10 – www.somalimemo.co
11 – www.somalimp3.net
12 – www.somalimemo24.com
13 – www.warkiislamka.com
14 – www.calmada.net

Soomaaliya ayaa dooneysa inay carqaladeyso xiriirka iyo dhaq dhaqaaqa dhaqaale ee Al-Shabaab, kaasoo qeyb ka ah “dagaalka guud” ee lagu dhawaaqay kooxdan oo muddo sanado ah ka talineysay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed