Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya war ka soo saartay diyaar ay leedahay Itoobiya oo maanta hawada laga celiyay

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya faah faahin ka bixisay diyaarad ay leedahay Itoobiya oo maanta laga celiyay hawada, xilli ay ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasoo wadday saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya.

Hay’adda Duulista ayaa xaqiijisay inay dib u celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ku socda Soomaaliya, taasoo doonaysay inay ” fasax la’aan ku degto magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War saxaafadeed ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ayaa lagu sheegay in diyaaradda Ethiopian Airlines, Dash 8-Q400, duulimaadkeeduna yahay ET8372, laga celiyay hawada Soomaaliya, kaddib markii lagu helay “in aan fasax loo haysan, isla markaana aan wax ruqsad ah u lahayn duullimaadyada Soomaaliya”.

Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in ay ku xad gudubtay shuruucda caalamiga ah ee hawada iyo shuruucda u dagsan Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in duullimaadyadu ay fasax sax ah qaataan ka hor inta aysan hawada gelin.

Maamulka ayaa ku nuuxnuuxsaday in “diyaaradaha aan ruqsada haysan loo ogolaan doonin inay soo galaan hawada dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo nidaamka iyo wadashaqeynta dhiggooda caalamka.”

Hay’adda ayaa sheegtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ay wali socdaan, waxaana ay sheegtay in aysan ogolaan doonin in hawada Soomaaliya ay soo gasho diyaarad aan sharciyeysneyn, si loo ilaaliyo nidaamka duulista.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed