Guud ahaan Waxbarashada gobolka Banaadir oo maanta xiran

Gabi ahaanba waxaa xiran goobaha waxbarashada ee Magalalada Muqdisho, sida Iakuulada iyo Jaamacadaha, arrintaan ayaa salka ku heysa macalin Iskuul oo lagu dilay gobolka Banaadir isbuucii hore, taasina waxay keentay in bahda waxbarashada gobolka ay joojiyaan cashiradii ardayda heerkaka kala duwan.

Tallaabadan ayaa socon doonta muddo seddex maalin ah, oo ka bilaabaneysa maanta oo sabti ah, kuna beegan 17 bishaan 2024 ilaa 19 Febaraayo 2024, sida ay horay u sheegeen bahda waxbarashada dhammaadkii toddobaadkii hore.

Bahda Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay garab istaag iyo caddaalad u helid  u muujinayaan Marxuum Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo lagu dhex dilay iskuulkii uu macallinka ka ahay, dilkaas oo loo adeegsaday tooreey.

Laamaha ammaanka ayaa weli ku heellan raadinta eedeeysanaha oo wili ka maqan gacanta caddaaladda, kaas oo ay baadi goob igu jiraan, Ehelka Marxuumka ayaa dalbanaya in ay helaan caddaalad dhab ah, gacantana lagu soo dhigo Eedeysanaha, balse hey’adaha ammaanka ayaanan weli soo qaban.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed