Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ka hadlay ka hortagga dambiyada isla markaana bogaadiyay

Saalax Cali Maxamuud Guddoomiyaha Maxkamadda  Gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyay shirka 6-aad ee Garsoorka dalka, ayaa sheegay in si weyn looga hortagay fal dambiyeedyadii la soo abaabulay ee dhacayay sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa uu tusaale u soo qaatay ‘ Kooxihii ciyaal weeradada’ oo uu sheegay in tallaabo wanaagsan oo lagula dagaalamayo kooxahaasi ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saalax Cali Maxamuud Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in taasi aysan macnaheedu ahayn in dambiyada abaabulan ay dhamaadeen, balse loo baahan yahay in laga hortago.

Saalax ayaa bogaadiyay Shirka Garsoorka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu wadaagayo xogta labada heer ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in loo baahan yahay cadaaladda guud ahaan, sidoo kalena la doonayo in meel looga soo wada jeesto dembiyada, si aysan u dhicin daldaloolo saameynaya dadaallada guud ee Dowladda Federaalka ay ugu jirto la dagaalanka dembiyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed