Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya la kulmay xubno ka socda hey’adaha gargaarka Sacuudiga

Maxamuud Macallin oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Yazid Cabdalla oo ah Madaxa Xarunta Boqorka Sacuudiga ee Boqor Salmaan ee Afrika. Kulanka  lagu qabtay xafiiska guddoomiyaha ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada muhiimka ah ee gargaarka bani’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed.

Inta uu socday kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha bani’aadanimo iyo sidii gobolka looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo waara. ”

Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka faa’iidaystaan ​​​​khabradooda iyo agabkooda si loo gaaro wanaag weyn.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah si wax looga qabto arrimaha muhiimka ah ee la xiriira maareynta musiibooyinka iyo guud ahaan daryeelka bulshada.

Yaziid Cabdalla ayaa qiray sida ay uga go’an tahay in uu saameyn wanaagsan ku yeesho nolosha dadka u baahan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed