Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Puntland oo siiyay madaxweyne Deni waqtiga kama dambeysta ah ee looga baahan yahay in uu soo dhiso xukuumadaa

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Puntland Risaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Bari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir guddoominayay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta codsiga waqti kordhinta ee dhismaha Golaha Wasiirada iyo soo jeedinta warbixinta guddiga loo xilsaaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay uga codsaday Golaha Wakiilada, isagoo ka dalbaday in muddo 30 cisho ah loogu daro Golihiisa Wasiirada.

“Mudanayaasha Golaha Wakiilada Maamulka Puntland waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen codsigii Madaxweynaha ee ahaa in la siiyo muddo 30 bilood ah si uu ugu soo dhiso Golihiisa Wasiirada”ayuu yiri War murtiyeed laga soo saaray kulanka.

Talaabadan oo la doonayo in wada tashi buuxa laga yeesho ayuu Madaxweyne Deni carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay waqti dheeri ah si loo dhameystiro dhismaha dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tani ay tahay mid lagu xaqiijinayo  wada tashi dhameystiran, Madaxweyne Deni ayaa ku nuux-nuux saday in waqti badan loo baahan yahay si loo dhameystiro dhismaha xukuumadiisa.

Codsiga muddo kordhinta ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Deni uu dadaal ugu jiro sidii uu u soo dhisi lahaa gole wasiiro oo cusub isagoo wada tashiyo badan oo ku saabsan magacaabista iyo habraaca siyaasadeed ee muhiimka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed