Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Xasaasi ah la yeeshay hey’adaha ammaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, isagoo u kuur galayay sida ay u socdaan howlgallada ciidamada.

Guddoomiye Madoobe ayaa bogaadiyay guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amniga ee laga gaaray dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Waxa uu Taliyayaasha kula dar daarmay in dhamaadka sanadkan la dardar geliyo dadaalada dalka looga sifeynayo Maleeshiyaadka.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka waxa ay ku fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kaasi oo sababay dhimashada ugu yaraan 21 kooxd ah, sida ay sheegtay dowladdu.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dhacdooyin naxdin leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin dhimashada haweeney uur leh iyo mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha oo dhaawac uu ka soo gaaray ninkeeda oo la sheegay inuu dab qabadsiiyay. Sidoo kale, nin kale oo todobaadkan tooreey ku dilay xaaskiisa ayaa ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa faray ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Taliska Booliska Soomaaliyeed in meel kasta oo ay joogaan ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ku kacay fal dambiyeedka ka dhanka ah Diinta Islaamka, Dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in si deg deg ah sharciga loo horkeeno.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed