Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo shir muhiim kaga qeyb galay Turkiga oo maanta dib laabta Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii uu magaalada Istanbul kaga qeyb galay shirkii 5-aad ee Madasha Baarlamaannada Qudus ee looga hadlayay Xorriyadda iyo Xornimada Falastiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay caalamka inay si deg deg ah u caawiyaan shacabka Falastiin ee ay wajahayaan xaaladaha bini’aadinimo ee ka dhashay duqeymaha iyo go’doominta ay Israa’iil ku hayso magaalada Gaza.

Xaashi ayaa April 27, 2024 ka qayb galay shirka golaha baarlamaanka Qudus oo ka furmay dalka Turkiga, wuxuuna khudbad ka jeediyay. Khudbadiisa ayuu afhayeenka si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha bini’aadantinimo ee Gaza.

Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka wuxuu kaga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka reer Falastiin, gaar ahaan shacabka Gaza oo ay Israa’iil duqeymo iyo gumaad ku hayso in ka badan 6 bilood in si gaar ah loo siiyo gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah.

Cabdi Xaashi ayaa u mahadceliyey madaxweynaha Turkiga oo kulanka furay, wuxuuna si kulul u weeraray dadka ka dambeeya rabshadaha iyo xasuuqa ka socda Falastiin isagoo ballan-qaaday in taageero buuxda la garab istaagi doono shacabka Falastiin, isla markaana uu xiriirka dhaqaale u jarayo Israel.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed