Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Nairobi kaga qeyb galay shirka Baarlamaannada EAC kaasoo jeediyay hadallo khuseya dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Bariga Afrika. Shirkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan qorshaha horumarinta ururka.

Guddoomiye Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in dowladda Kenya iyo shacabkeeda uu uga mahadcelinayo soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Wuxuuna ku nuux-nuux saday wakhtiga iyo muhiimada uu shirkani u leeyahay hawlaha ururka.

Soomaaliya, si la mid ah waddamo badan oo Bariga Afrika ah, waxay la kulmeen caqabado badan sannadihii u dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, adkeysi, go’aan qaadasho, iyo taageero heer gobol ah, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas. Guddoomiye Madoobe ayaa iftiimiyay hamiga wanaagsan ee Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay kobaca dhaqaalaha, xaaladaha amniga oo soo hagaagay.

“Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe. “Dhaqaalaheena waa uu korayaa, amnigu waa uu soo hagaagayaa, muwaadiniinteena waxay u heelan yihiin inay qaabeeyaan mustaqbalkooda.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga qayb qaadato horumarinta Bariga Afrika. Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu higsanayaa inuu iskaashi la sameeyo dhiggiisa gobolka, si loo kobciyo nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada dhammaan Bulshada Bariga Afrika. Shirku wuxuu u adeegaa sidii madal lagu xoojinayo iskaashiga iyo wax ka qabashada caqabadaha la wadaago ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah EAC.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed