Guddiga Doorashada Soomaliland oo Shaaciyay Jadwalka doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa Go’aamiyay in Doorashooyina Somaliland, ururada Siyaasadda ayaa laga dhigay in la bilaabo dabayaaqada sanadkan oo ku beegan 28-Dec-2023.

Bayaan ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ayaa sidaan lagu yiri: Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa uu shaaciyay in doorashada Xisbiyada Qaranka la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, “si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan lana siiyo shahaadada xisbino ee tobanka sano, KDQ uu muddadaas ka horaysa ku dhameystiro wixii farsamo ah.”

Sidoo kale doorashada madaxtooyada la qabto dhammaadka sanadka dambe ee November 2024.

Mucaaradka Somaliland ayaa si xooggan horay u diiday in doorashooyinka laga bilaabo kuwa Xisbiyada, iyaga oo ku baaqay in la hor mariyo tan madaxtooyada, iyada oo Xukuumadda talada heysa ay dooneysay habka maanta Guddiga Doorashada ay ku dbawaaqeen.

Durbaba warbaahinta bulshada waxaa ka bilaabatay dood xooggan oo ku aadan dadka daneeyo siyaasadda Somaliland, Xillibaano iyo siyaasiyiin ayaa baraha bulshada kaga falceliyay go’aanka Gudddiga, kuwaas oo dhaliilay hannaanka loo maray doorashada.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed